Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ka furmo shir soconaya labo maalmood kaasi oo ay qabaneyso qaramada midoobey ayna ka wada qeyb galayaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.
Shirka ayaa looga hadlayaa arimaha argagixisada, waxaana madaxda ka qeyb galeysa ka mid ah xoghayaha guud ee Qaramada Midobeey Antonio Guters , iyo wafuud kale.
Mas’uuliyiin ka socota dowladda Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in ay shirkaasi Nairobi ka qeybgalayaan inkastoo aan la xaqiijin.
Shirkan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli ay xiisad diplomaasiyadeed u dhaxeyso Soomaaliya iyo Kenya.
Xiisadda ayaana ah mid ka dhalatay ee Badda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here