Madaxweynaha dalka ayaa weydiistay cafis iyo raali ahaanshiyo dhigiisa dalka dariska la aha ee Tanzania kadib hadal ka soo yeeray xildhibaanka deegaanka Starehe Mr Charles Njagua kaasi oo ahaa mid uu ku hanjabay in ajaaniibta la wareegtay ganacsiga dalka ay muddo 24 saacadood gudahooda hadii ay iskaga bixi waayaan dalka uu cagta marinayo.
Xildhibaankan ayaa hadalkiisa waxaa uu magac dhabay dalalka Tanzania iyo Uganda waxaana ka dhalatay caro aad u weyn iyada oo baraha bulshada u qabsaday hadalkiisa waxaana dhanka kale loo yeeray safiirka Kenya ee dalka Tanzania si uu jawaab uga bixiyo hadalkan.
Ugu dambeyn waxaa ay ciidanku ku guuleysteen in ay xabsiga dhigaan Njagua oo lagu eedeeyay kicin dadweyne iyo hadallo naceyb abuuri kara.
Uhuru ayaa mar uu kulan la qaatay safiirka Tanzania ee Kenya Mr. Dan Kazungu uu u sheegay in tani ay keeneyso madmadow soo kala dhex gala xirriirka labada dal ee soo jireenka ah.
Farriinta madaxweynaha oo gaartay Wasiirka ugu sarreeya dalka Tanzania, Kassim Majaliwa, Uhuru ayaa faafaahin ka bixiyay sida ay u dardar galineyso xukuummaddiisa xirriirka laba dal iyo iskaashiga dhanka kalena waxaa uu xusay talaabada laga qaaday Njagua.
Maxkammadda ayaa ku soo deysay xildhibaankan lacag gaareysa 5 boqol oo kun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here