Kuuriyada Waqooyi ayaa ku eedeeysay Mareykanka in uu doonayo in uu cadaawad ku gaaro danahiisa, iyadoo ay dhawaan labadda dal yeesheen kulan lagu looga gol lahaa in ay soo celiyaan wadahadaladii Nukliyeerka.

Ergeyga Pyongyang u fadhiya Qaramadda Midoobay ayaa sheegay in Mareykanku uu cune qabateyn ku naanaabay.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay Washington in ay gaabis ka dhigeeyso Nabadda Gacanka Kuuriya. Hadalkaan ayaa waxaa uu imaanayaa malmo kadib markii ay hogaamiyeyaasha Labadda wadan yeesheen Kulan Taariikhi ah.

Madaxweyne Donald Trump ayaa dhigiisa Kuuriyadda Woqooyi kula kulmay Axaddii todobaadkaan dhulka military-ga ka caagan ee u dhexeeya Labadda Kuuriya.

Waxaana uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo isagoo talada haya cagihiisa dhiga Kuuriyadda Woqooyi. Kadib kulan qaatay ku dhawaad Hal saac ayaa Labadda nin waxay ku heshiiyeen in ay wada hadaladda sii wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here