Maxkamadda ku taala ismaamulk Meru ayaa amar ku bixisay maamulka dugsiga St Mery’s girls Igoji uu ogolaado in ardayda ay dib ugu laabtaan dugsiga kuwaasi oo dhawaan loo kala direy guryaha si ay u soo qaadaan lacago gaaraya min 44,000 oo shilinka dalka ah.
Lacagtan ayaa la sheegay in u dugsiga doonayo in uu ku gudo lacago amaah ah oo 7 ka hor loogu dhisay qeybta jiifka ee ardayda.
Alfred Mbeya o ah garsoore ayaa sheegay in ay ardayda dib ugu laabanayaan faaladooda inta ay maxkammadda ka dhageysaneyso kiiskan islamarkaana ay qiimeyn ku sameyneyso.
Ardayda ayaa dhanka kale sheegay in tani ay caqabad ku tahay waxbarashadooda iyaga oo xusay in dhawaan ay u fadhisanayaan imtixaanka qaran ayna talaabadan hakad galineyso isku diyaarintooda imtixaanka qaran.
Ardayda oo ka banaan baxay talaabadan ayaa sheegay in ay tahay mid sharciga dalka aan waafaqsaneyn ayna jawaab ka sugayaan wasiirka waxbarashada, qareenka guud iyo guddiga guud ee dugsiga.
Wararka ayaa sheegaya in arday gaareysa 700 laga ceyriyay dugsiga si ay u soo qaadaan lacagtan oo intooda badan dhici karto in aysan awoodin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here