Jasiirad Talyaaniga ku taala oo lagu magacaabo Stromboli ayaa lagu soo warramayaa in ay qaraxday, foolkaanada ayaa waxaa ku dhintay hal qof waxayna walaac ku abuurtay dadka dalxiiska halkaas u jooga.
Ninka dhintay ayaa waxaa haleelay dhagax meel sare ka soo dhacay, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen.
Maraakiib ayaa halkaas la geeyey si loo soo daad gureeyo dalka goobtaas ku sugan, waxaana goor horeba halkaas laga soo daad gureeyay dad gaaraya 70 qof.
Foolkaanadan oo ah mid ka mid ah kuwa ugu khatarsan caalamka ayaa qarxaysay tan iyo sannadkii 1932-dii.
“Nasiib darro hal nin ayaa dhintay, dhowr qofna waa ay dhaawacmeen, balse qof si halis ah wax u gaareen kuma jiro,” ayuu yidhi Calogero Foti oo ka mid ah shaqaalaha gurmadka deg degga ah.
Qofka dhintay oo 35 jir ahaa ayaa ka yimid jasiiradda Sicily kaas oo tafayey buur halkaas ku taal markii ay foolkaanadu qaraxday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here