Howlgal ay ka sinnaayeen sarakiil sirdoon ah iyo Ciidamada baleyska oo ay sameeyeen maalinnimadii isniinta gudaha magaalada Zambales ee dalka Philippines ayaa waxaa agu soo qabtay muwaadin Kenyan ah oo looga shakisanyahay in uu qeyb ka yahay kooxaha Al-qaeda.
Mr Cholo Abdi Abdullahi oo da’diisu lagu sheegay 28 sano aya isniinti laga soo qabtay maqaaxi lagu magacaabo Rasca oo ku taala magaalada Zambeles isaga oo ka degenna qolka 28aad waxaana lagu helay qoryo kala duwan,waxlaha qarxa iyo qaraxa nooca gacanta laga tuuro iyo waliba qalabka laga sameeyo qaraxa.
Ninkan ayaa lagu xirey xabsi gooni ah oon la ogeyn halka uu kuyaalo waxaana ay ciidanku diideen in ay shaciyaan halka uu ku xiranyahay iyaga oo sabab uga dhigey amniga dartiis.
Taliska Ciidamada dambi baarista, Mr Amador Corpus ayaa sheegay in ay baaritaano ku wadaan ninkan oo sanaddii 2017kii safar ku maray dalka uu xirriir la lahaa nin horey loogu diley gudaha dalkaas oo xirriir la lahaa Al-Qaeda iyo in uuba qorshe amniga lid ku ah uu kawaday gudaha dalkaas.
Waxaa uu sidokale sheegay taliyaha in ay wararka la xarriira ninkan ay dibadda ka helleen islamarkaana ay aaminsanyihiin uu kooxaha argagixisada kamid ahaa ilaa iyo sanaddii 2012kii islamarkaana ay warbixinadiisa sheegayaan in uu khatar yahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here