Ugu yaraan 40 ruux ayaa lagu dilay duqayn cirka ah oo lala beegsaday xero ay sugnaayeen dadka soo galootiga ah gudaha dalka Liibiya , sida ay ku soo waramayaan saraakiisha dalkaas.
Dhaawacca ayaa kor u dhaafaya 80 waxaana weerarkan oo ka dhacay xarun ku taalla bariga Tajoura oo ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Tripoli uu noqday mid dhibaato ba’an ku noqday dadka ay saameynta ka soo gaartay.
Inta badan dadka dhintay ayaa u badan African waxaana Sannadihii u dambeeyay Liibiya ay xudun u noqotay dadka tahriibaya ee doonaya in ay gudaha u galaan qaaradda Yurub.
Dalka Liibiya waxaa ragaadiyay Collaad iyo kala qaybsanaan tan iyo markii xilka laga tuuray hoggaamiye Mucamar Al-Qaddaafi sannadkii 2011.
Cusmaan Cali oo ah afhayeenka shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in 120 soo galooti ah ay gaajaysnaayeen marka ay duqayntu haleeshay.
Wuxuu intaas ku daray nin laga yaabo in geeridu ay intan ka badato “maadaama oo tirada la shaaciyay aysan kama dambays ahayn”.
Dawladda ay Qaramada Midoobay taageersan tahay ee uu hoggaamiyo Ra’iisulwasaare Fayez al-Serra, ayaa weerarkaas oo Arbacadii dhacay ku eedaysay ciidammada isku sheega Milatariga Qaranka Liibiya
Ciidammadaas waxaa hoggaamiya ninka awoodda badan ee Khaliifa Haftar oo aagga uu weerarku ka dhacay kula dagaalamaya ciidammada dawladda caalamku aqoonsan yahay.
Isniintii ayay ku dhawaaqeen in ay weerarro culus oo dhanka cirka ah qaadi doonaan iyaga oo bartilmaameedsan doona bartilmaameedyo Tripoli ku yaalla ka dib markii la soo afmeeray noocyadii “la yaqaannay” ee dagaalka.
Balse afhayeen u hadlay ciidammada janaraal Khaliifa Xaftaar ayaa diiday in ciidammadoodu ay duqeeyeen xarunta lagu hayo dadka soo galootiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here