Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 21aad ee howlgelinta oo uu hoggaamiyo Gaashaanle Dhexe  Cabduqadir Maxamed (Gasaawe) ayaa maalmo kohor gaarey deegaanka dhagtuur islamarkaana xaliyey qalalaaso ka dhex aloosneyd beelo deegaanka wada degan taas oo salka ku heysay baraago deegaanka laga qoday oo mid ka mid ah beelaha halkaa dagan ay ka biyo diiday.

Goobta ayaa waxaa Sidoo kale ku sugnaa  masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka Mudug Axmed Maxamed Shire (qoodar) iyo saraakiil kale, iyaga oo ku guuleystay xalinta labadaasi beelood.

Xubanaha dowladda Mudug iyo taliska ciidanka ayaa kulamo ay la qaateen kadib ku guuleestay in la aaso duugo dhamaan baraagihii lagu muransanaa waxaana dhinacyadu isla garteen in arinta deegaanka loo saaro guddi ka kooban 14 xubnood oo laamaha amniga kala shaqeeya xaalada amni ee deegaanka iyo xalinta tabashooyinka yar yar

Sikastaba ha ahaatee, guddiga howshan gacanta ku hayay ayaa sameeyey xirmo dhuleed ka mamnuucan in la dego waliba si gaar ah in laga qodo baraago si looga baaqsado isku dhacyo halkaa ka yimaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here