Xildhibaanka galbeedka Lamu, Stanley Muthama oo la soo taagay maxkamad ku taala Eldoret ayaa lagu heystaa sababta uu u bixin waayey lacagaha canshuurta oo gaareysa 487 milyan oo shilinka dalka ah.

Lacagahan ayaa ah  kuwo la xarriira shirkadda Stansha Limited oo ah mid laftiisa xirriir la leh.

Xildhibaanka ayaa iska fogeeyay eedeymahan oo gaaraya ilaa iyo 13 waxaana lagu sii daayay lacag gaareysa 3 milyan o shilinka dalka ah iyo 500,000 kun oo gaar ah.

Waaxda canshuurta ee dalka KRA ayaa ku dacweysay muthama kiisaska la xarriira Canshurta laga soo bilabo sanaddii 2013 ilaa iyo 2017kii.

Sheila Sanga oo maxkamadda u joogtey waaxda canshuuraha ayaa ka biyo diiday go’aanka maxkammadda ee lagu sii daayay lacagta 3 milyan.

waxaa ay sheegtay in ninkan uu muddo dheer diidanaa bixinta lacagahan islamarkaana uu haatan baxsan karo hadii aan xabsiga lagu sii heyn.

Xildhibaank ayaa laga so qabtay kudaha gagida caalamiga ee JIKIA habeenkii khamiista lana dhigey xabsiga halkaais oo uu ku qaatay habeenkiisa ka hor inta aan subixii loo sii qaadin maxkammadda.

Waxaa lagu amray in uu isniinta isasoo xaadiriyo.

15ka bishan yaa dib loo dhageysan doonan dacwaddiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here