Dowladda ayaa waji cusub ku qaabileysa shirkadaha qamaarka ee dalka iyada oo diday in ay u cusbooneysiiso shartiyadooda shaqada wax dhan 19 shirkada ah.

Dowadda ayaa qaadeysa talaabooyiinkan dhanka kalena waxaa turxaanbixin adag la marinayaa dhamaan shirkadaha qamaarka si loo xaqiijiyo in ay ku howl galaan nidaam waafaqsan sharcga dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka ayaa sheegay in baarintaan dheeraad ah lagu sameyn doono nidaamka ay ku howl galaan iyo waliba in wax laga weydiin doono agaasimayaashoda.

Waxaa wasiirku uu shaacay ka qaaday in isku geys 27 shirkadahan ah loo diiday in loo cusbooneysiiyo aqoonsiga shaqada ee ay ku howl galaan.

Arrinkan ayaa imaanaya xilli laba maalin ka hor uu swasiirku sheegay in kadib turxaan bixintan ay shirkado badan qadka ka bixi doonan.

Xilli uu maalinnimadii sabtida ku sugna ismaamulka Kisii uu sheegay in shirkadaha qamaarka aysan bixinin wax canshuur ah ayna dhalinyarta u horseedeen wax uu ku sheegay Seg seeg.

Baaritaan la sameeyay oo laga soo saaray warbixin ayaa lagu sheegay in shirkadaha qamaarka ay yihiin kuwa ugu taajirsan qaaradda Africa ayna ugu horreyso Kenya oo dhalinyarta intooda badan ay ku howlanyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here