Shirkadda Kenya Airwaysa ayaa sheegtay in meydka ruux aan wali la aqoonsan cidda uu yahay laga helay gudaha London ee dalka igriiska.

Shirkadda ayaa sheegtay in duulimaadkeeda oo uu ka soo dhacay meydkan laga helay xaafad ku taala magaalada London.

Ciidanka baleyska ayaa baritaano wada si loo ogaado waxa sababy in uu diyaaradda ka soo dhoco iyo waliba in lagu sameeyo baaritaano jirkiisa si loo ogaado geeridiisa iyo sida ay ku timid.

Waxaa la sheegay in qeybta ritooraha lagu dajiyo diyaaradda laga helay shandad, Biyo iyo xooga cunno ah taasi oo u muuqato in ninkan uu si qarsoodi ah ku soo kurey diyaradda.

Ninka oo soo dhacay wax yar unn ka hor inta ay diyaaradda dagin ayaa la aaminsanyahay in uu laftiisa ku jrey isla qeybta ritooraha maadama uu soo dhacay xilli ay diyaradda dagi rabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here