Mumbai  oo ah magalo can ku ah ganacsiga noocyadiisa kal duwan ayaa waxa naga soo gaaraya warar sheegaya in halkaasi ay ku naf waayeen dad gaaraya ilaa iyo 13 ruux kadib markii uu Darbi ku dumay.

Dhacdadan ayaa imaaneysa iyada oo saacadihii u dambeeyay ay ka da’ayeen roobab xooggan gudaha dalkaas wuxuuna saameyn ballaaran ku yeeshay dhismooyiin kala duwan sidokalena hakad galiyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Kooxaha samata bixinta ayaa dardar galiyay dadaalo ay doonayaan in ay kusoo bad baadiyaan dadka ay dhacdadaasi waxyeelada kasoo gaartay iyagoona ay usuurta gashay in ay soo bad baadiyaan inkabadan 10 ruux.

Roobka ayaa la aaminsanyahay in ay sii socon doonaan maanta iyadoona lakiyay duulimaadyadii garoonka magaalada Mumbia oo ah garoonka labaad ee ugu wayn dalka Hindiya.

2005’tii daad xoogan oo halkaasi ku dhuftay ayaa waxaa ku dhintay 500 oo ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here