Cadaado waxaa waxaa laga soo sheegayaa in shaacbku banaanbaxyo dhigayaan kaasi oo looga soo horjeedo go’aankii uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee ahaa in doorashada iyo shirka dib u heshiisiinta Galmudug lagu qabanayo Magalada Dhuusamareeb.

Qeybaha Shacabka, Odayasha iyo waxgaradka Cadaado ayaa ka qeyb galaya dibadbaxa,waxaana ay wataan boorar ay ku qoran yihiin Erayo ka turjumaya in ay ka soo horjeedaan Go’aanka Ra’iisul Wasaaraha uu qaatay.

Waxgaradka Cadaado oo banaanbaxa ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in dowladda federaalka in shacbka cadaado aan loogu hambeyn sidii oogu lisseen ,islamarkaana heshiisydii horay loo galay looga baxay.

Baaqyo kala duwan ayay u direen adaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya kaasi oo ah inay ka laabtaan Go’aanka ah in in doorashada iyo shirka dib u heshiisiinta Galmudug lagu qabanayo Magalada Dhuusamareeb,isla markaana dadka Reer Galmudug ay u baahan yihiin Dib u heshiisiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here