Golaha wakiillada ee ismaamulka Garissa ayaa doonaya in dib loo dhigo wakhtiga uu qabsoomeyso tirakoobka oo ku beegan bisha agoosto ee sanadkan 2019ka.
Wakiillada ayaa sheegay in aysan suuro gal aheyn maadama dadka reer waqooyi bari ay yihiin xoolo dhaqato islamarkaana ay jirto abaar baahsan dadkuna ay xoolahooda la safreen si ay u raadsadaan biyo baad.
Hadalkan ayay ka jeediyeen barnaamij uu qabtay guddiga qaran ee horumarinta dadweynaha.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda ee ismaamulka Garissa, Mohamed Gabow ayaa dowladda ugu baaqay in ay tixgaliso xaladda nololeed ee xoolo dhaqatada.
Wakiilka JaraJilla, Mahat Osman ayaa sheegay in dowlada looga baahanyahay in ay qabato barnaajimka tirakoobka xilliga roobka o ay deegaanadooda ku suganyihiin xoolo dhaqatada.
Waxaa uu sheegay in deegaankiisa kaliya ay ka maqanyihiin 100kii 80 dadka islamarkaan ay gudbeen xadka Kenya iyo Soomaliya si ay baad iyo biyo u raadsadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here