Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Gatundu ayaa soo jeediyay in madaxweynaha dalka uu jabiyo golahiisa wasiirada xilli uu wareysi siinayay muuqbaahiye maxalli ah.
Hadalkan ayuu yiri isaga oo cuskanayo isbada jiitanka qaar kamid ah wasiirada iyo madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku eedeeyay in ay qorsheynayaan shirqool ay ku beegsanayaan isaga si uusan ugu helin fursad uu ugu tartamo xilka madaxtinimdada ee dalka sanada 2022.
Xildhibaanka ayaa sheegay in golaha wasiirada ay yihiin udub dhexaadka dowladda islamarkaana ay keeneyso guul darro in laga dhabeeyo balanqaadkii dowladda iyada oo laisheysto.
Afar wasiirro ah ayaa lagu eedeeyay in ay qorsheynayaan shirqool ay doonayaan in ay ku waxyeeleeyaan ku xigeenka dalka waxaana looga yeeray xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista hasayeeshee ay sheegeen in kulamadooda ay ahaayeen kuwo ay kaga arrinsanayeen horumarka deegaanadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here