Shirkadda safaricom ee fadhigeedu yahay dalka Kenya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dhawaan uu geeriyooday madaxa shirkadda, Bob Collymore oo 61 jir ahaa.
Ninka geeriyooday ayaa bishii october ee 2017kii ukicitimay dalka ingriiska si uu isku soo dadiibo waxaana uu dalka dib ugu soo laabtay bishi july ee 2018kii.
Saaka ayuu ku geeriyooday gurigiisa sida laga soo xigtay shirkadda.
Bob Collymore ayaa ku dhashay Guyana oo xigta koonfurta Mareykanka waxaana uu la midoobay hooyadii dalka ingriiska muddo 16 sano kadib, waxaa uu ku biiray dugsiga sare ee Selhurst High School.
laga soo bilaabo 1993,Bob ayaa ka soo shaqeeyay shirkadaha isgaarsiinta isaga oo ka soo qabtay xilal kala duwan waxaana loo magacaabay madaxa fulinta ee shirkadda Safaricom bishii September ee sanaddii 2010kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here