Mohamed Ibrahim Jacfar oo lagu naaneysto Modi ayaa lagu helay dambiga in uu faraxumeyn ugeystay 3 gabdhood bishii september ee sanaddii 2018kii deeganka Riyadha ee ismaamulka Lamu.
Jacfar ayaa iska fogeeyay eedeymahan sheegayna in uusan waxba ka ogeyn islamarkaana uu ka war helay dacwaddiisa xilli la dhigey xarunta baleyska ee Makupa.
Garsoore Allan Temba oo ku sugnaa maxkamad ku taala ismaamulka Lamu ayaa sheegay in eedeysanahan uu dambiga galay islamarkaana uu ku guul dareystay in uu ka jawaabo cadeymo kooban oo la hor keenay.
Garsooraha ayaa sidokale sheegay in aysan jirin wax u horreeyay qoyska laga faraxumeeyay gabdhaha iyo eedeysanaha/
Dhibanayaasha ayaa lagu sheegay da;da 11 sano jir waxaana mid kasta uu ka daboolay afka kuna cabsi galiyay in uu dhibaato ugeysanayo noloshoda hadii ay qeyliyaan xilligaas oo uu dhamaantood ku faraxumeeyay gudaha guri ay ku wada sugnaayeen.
Eedeysanahan ayaa heysta 14 maalmood oo uu racfaan ku qaadan karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here