Samar Badaawi oo ah haweeney u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ka soo muuqatay maxkammad gudaha dalka Sacuudiga kadib markii lagu eedeyay falal Argagixiso.

Haweeneydan ayaa la dhalatay Raif Badaawi oo wax ku qora baraha bulshada, kaasi oo 10 sano oo xabsi ah ay ku xukuntay xukuumada Riyaad sanadkii 2012-kii kadib markii lagu eedeyay in uu dhaliilay madaxda Boqortooyada.

Tani waxay noqoneysaa markeedii labaad oo ay ka soo muuqato maxkammadda tan iyo 30-kii July sanadkii tagay ee 2018-kii oo xabsiga loo Taxaabay.

Nassima al-Sadah oo u ololeysa xuquuqda aadanaha kana soo jeeda bariga Sacuudiga iyo Amal al-Harbi ayaa sidokale ka soo hor muuqatay maxkamadda dambiyada ee sucuudiga.

Hay’adaha xuquuqda insaanka ee wadamada midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyay maxkammadeynta haweenkaan maadama la soo taagay maxkammadda danbiyada oo aalaaba dowlada ay saarto shaqsiyaadka diidan siyaasada Dowlada sida ay qabaan.

Sharciga Sacuudiga ayaa qabaa in muwaadinkii lagu caddeeyo danbi la xarriira argagixiso uu muteysanayo 20 sano oo xabsi ah.

Facebook Comments