Arbacada manta ah ayuu qorshuhu ahaa in markale loo fadhiisto dacwadda la xiriirta kiiskii kufsiga iyo dilka ee Caaisho Ilyaas Aadan oo aheyd gabar 12 jir ah loona geystay dhibaatadaas Bishii Febaraayo ee sanadkan 2019 ka gudaha Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,hayeeshee markale dib loo dhigay.

Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo 34 jira ah, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame 243 jir ah iyo Cabdishakuur Maxamed Dige Shiine oo 43 sano jir ah,ayaa dhawaan lagu xukummay dil toogasho ah basle ay  racfaan ka.

Isniintii la soo dhaafay ee todobaadkaan ayay aheyd markii loo fadhiistay dhageysiga dacwadda,hayeeshee Maxkamada Racfaanka Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa Go’aamisay in Maalinta Sabtida ah ee soo socota markale dacwada kiiskaas la dhageyso,kadib markii ay aruurisay Warbixino dheerad ah oo kiiska la xiriira.

12-kii bishii May ee sannadkan 2019 ayaa Maxkamadda darjada kowaad ee gobolka Nugaal waxaa ay xukun dil ah ku riday Saddex Ruux oo lagu eedeeyey kufsiga iyo dilka Caaisho ilyaas,hayeeshee racfaan ay ka qaateen .

Inta badan Soomaalida ayaa aad uga xumaaday falka foosha xun ee lagula kacay gabadhan yar oo kamid aheyd dadka ku noolaa gudaha magaalada gaalkacayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here