Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada Adduunka ICJ ayaa shaaca ka qaadday xilliga rasmiga ah ee la dhageysanayo dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, taas oo bilaaban doonta 9 September ee sanadkaan 2019 kuna beegan maalin Isniin ah, waxayna ku egtahay 13 September 2019 oo ah maalin Jimco ah.

Dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya oo uu ka dhex aloosnaa khilaaf ku saleysan badda ayaa horay Dacwad ugu gudbiyay Maxkamadda si loo xal looga gaaro dhibaatada hareysay xirriirka dowladahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here