Gabar arday fasalka seddexaad ah kana soo jeeda ismaamulka Nyandarua oo la waayey meel ay jaan iyo cirib dhigtay xilli ay ku sii jeeday dugsiga ayaa haatan laga soo dhex helay keynta Aberdare.

Gabadhan ayaa dib ugu laabatay dugsiga xilli uu u dhamaaday fasaxa ardayda waxaana ugu dambeyn laga soo helay keynta Aberdare.

Guriga Mr Moses Kinyua oo ah qoyska ay gabadha ka dhalatay ayaa farxad laga dareemi karay iyada oo ay darisku iyo xubno katirsan kaniisadda Mawingu PCEA ku sugnaayeen goobta si ay u mahad naqaan islamarkaana ay qoyska farxadda ula qeybsadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here