Labo ruux ayaa ka soo hor muuqday maxkamad ku taala ismaamulka Mombasa kuwaasi oo lala xirriirinayo qorshe argagixisinimo.

Eedeymaha loo heysto ayaa la xarriira qarax ka dhacay guriga ku yaala xaafadda Likoni ee gudaha ismaamulka Mombasa taarikhdu marka ay aheyd 10kii bishan.

Swaleh Juma Salim ayaa ka soo hormuuqday maxkamadda isaga oo ay gacantiisa duubantahay lana aaminsanyahay in uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa oo uu ku howlanaa.

Eedeysanaha labaad oo ah gabadh magaceeda lagu sheegay Leila Omar Rashid ayaa lagu so dacweeyay ku dhiirasho ah in ay xoog ku gasho guriga ay wax ka dheceen iyada oo dib u habeyn ku sameysay taasi oo u muuqatay mid ay ku dabooleysay dhacdada.

Sikastaba waxaa ay labadooduba iska fogeeyeen eedeymaha loo soo jeediyay iyaga oo ku sugnaa gudaha maxkamadda.

Muddo 10 maalmod ah ayaa lagu sii heyn doona xabsiga si baaritaano dheeraad ay loo sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here