Dowlada Goboleedka Konfur Galbeed ayaa jawaab degdeg ah ka dalbatay maamulka Galmudug kadib markii laba habeen ka hor deegaanka Dhiin Waris oo 18 dhanka Bari ka xiga Magalada Dhuusamareeb lagu dilay 4 Ruux oo ka Shaqeynayay Goob lagu xanaaneyo Shinida , oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed (Ugaas Xasan) ayaa ugu baaqay in Madaxda Maamulka Galmudug ay baaris dhab ah ku sameeyeen dadkii ka dambeeyay dilka Afarta Ruux ee Shacabka ah.
Waxa uu sheegay inay aaminsan yihiin inaysan raali ka aheyn Madaxda Galmudug wixii ka dhacay duleedka Magalada Dhuusamareeb,hayeeshee ay ka sugayaan inay jawaab deg deg ah kasoo siiyaan dilkaas loo geysta dadka Shacabka ah ee kasoo jeeda deegaanada Koonfur Glbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here