Afayeenka Barlamaanka dalka Justin Muturi ayaa si xoogan u cambaareeyay falkii uu maalinti shalay Xildhibaanka laga soo doorto Barig Wajeer Rashid Kassim Amin uu ugu gacan qaaaday Wakiilka Haweenka Wajeer Fatuma Geeddi

Mudane Justin Muturi ayaa sheegay in baarlamaanka dalka aan looga baahneyn dambiile isagoo intaasi ku daray in kiiska xildhibaanka uu ugudbiyay Booliska.

Taliyaha Booliska magaalada Nairobi Philip Ndolo oo dhankiisa xaqiijinayay xiritaanka xildhibaanka bariga wajeer ayaa sheegay in maanta oo jimce ah maxkamad lasoo taagi doono.

Mudane Rashid Kassim  ayaa xabsiga ku baryay xalay ka dib markii lagu eedeeyay in uu dhirbaaxay wakiilka Haweenka Wajeer Fatuma Geeddi arinkaasi oo ay dad badan cambaareeyeen

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here