Senatorka laga soo doorto degaanka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen ahna mid kamid ah siyaasinta ugu dhow Madaxweyne kuxigeenka dalka ayaa beeniyay wararka sheegaya inay  duufaan siyaasadeed ka dhex taagan tahay  Xisbiga talada haya ee Jubilee,

Mr Murkomen ayaa sheegay in xubnaha xisbiga ay isku khilaafsan yihiin arrimaha qaarkood, laakiin weli jubilee u arkaan gaashaankooda.

Mr Murkomen ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay inuu kalsooni buuxda ku qaba in Madaxweyne Uhuru Kenyatta kasoo bixi balanqaadki uu ka qaaday William Ruto islamarkaasina uu si buuxda u tageeri doono.

Hadalka Senatorka laga soo doorto degaanka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen ayaa kusoo beegmaya iyadoo bilihi ugu dambeeyay ay soo ifbaxayeen kala aragti duwanaasho udhaxaysa xubnaha xisbiga Jubilee

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here