Maxkamada kutaala magaalad xeebedka Mombasa ayaa dad badan ka fejicisay kadib markii ay amartay in lasii daayo nin dilay Xaaskiisa oo ku xukunaa in la daldalo.

Ninka ayaa xirnaa mudo 15 sano kadib markii uu toorey ku dilay xaaskiisi oo uu ku eedeeyay inay qiyaantay.

Garsooraha Maxkamadda Sare Eric Ogola ayaa aqbalay soo jeedinta  Agaasimaha guud ee Dacwad oogista kaasi oo ahaa in la laalo xukunka dilka ah ee ka dhanka ahaa eedeysanaha.

Ninka oo lagu magacaabo  Juma Mzuri ayaa wuxuu qareenkiisu sheegay inuu hada isbadalay islamarkaasina yahay nin akhlaaq wanaagsan

Hase ahaate,Maxkamada ayaa sheegtay in eedeysanaha si dhow loola socon doono islamarkaasina xabbsiga loo taxaabi doono hadii uu ku dhaqmo wax dambi ah inta uu banaanka joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here