Sarkaal ka tirsan booliska ooka howlgalayey saldhiga booliska Tala ayaa is dal dalay.

Waxaa uu iska soo lalmiyey geed ku yaal magaalada Tala subaxnimadii Jimcaha.

Andrew Kiplimo ayaa la sheegay in ay u socotay qaadasho daawooyin kuwaasi oo uu kula dagaalamayey cudurka Madluunka ama “Depression-ka” loo yaqaan. Waxaana daweyn ay uga socotay isbitaalka Kangundo Level 4 qeybtiisa maskaxda.

Waxa la sheegay in askarigaasi uu isticmaalay funaanad uu xirnaa isaga oo geedka ku xiray kadibna isku dal-dalay.

Ilaha booliska ayaa sheegaya in haweenta uu ka dhintay iyo sarkaal kale ay kulan yeesheen iyaga oo ku waaniyey inta uusan is-dilin, in uu iska daayo khamriga uu cabo.

Waxa ay ku eedeeyeen in uu khamri badan isagu cabo mar waliba, hase yeeshee sarkaalka ayaa carooday kadibna is-dal dalay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here