Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa xariga ka jaray mashruuc waraabka beeraha loogu talo galay.

Mashruucaasi ayaa laga hirgelinayaa ismaamulka Busia.

Wararka ayaa sheegaya in dadka degaankaasi Busia ay aad uga welwelsan yihiin in aan weli la siinin wax magdhow ah oo ku aadan dhulkaasi dowladdu ka qaadatay ama laga dhisayo mashruucaasi.

Xarig ka jarista mashruucani ayaa imaanaya xilli ay dowladdu bilowday hirgelinta mashruucaasi sanadkii 2017-kii, xilligaasi oo ay dowladda qaran sheegtay in ay barnaamijkaasi uga hortageyso fatahaadaha degaanadasi ka dhaca.

Mashruucaani ayaa ku kacaya 7 bilyan waxaana uu yahay mid ku dhow halka uu ku yaallo webiga River Nzoia ee degaankaasi Busia bartankeeda mara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here