Hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka mudane Aaden Barre Duale ayaa maalinimadii Jimcaha ka hadlay xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya wadammada Kenya iyo Soomaaliya.

Mudane Ducaale ayaa sheegay in ay labada wadan xiriir aad u wanaagsan leeyihiin oo uu weliba xiriirkaasi yahay mid adag. Waxa uu ka hadlay in danjiraha dowladda Kenya uu fadhiyo magaalada Muqdisho isla markaasina uu dowladaasi Soomaaliya ka caawinayo sidii ay ku imaan lahaayeen Nairobi. Sidoo kale waxaa iyagana jira hey’ado Soomaaliya ka shaqeeya oo fadhigoodu yahay Kenya kuwaasi oo howlahooda la kaalmeynayo.

Xildhibaanka laga soo doorto Gaarisa Township ayaa uwaramayey laanta Af-Soomaalida ee BBC waxaana uu cayimay in uu isha ku hayo xiriirkii soo jireenka ahaa ee labada wadan ee deriska ah isla markaasina si wanaagsan loo xalin doono arrimaha badweynta 3 xagalka ah ee 2-da wadani ku murmeen.

Mudanaha ayaa sheegay in ay dadka Soomaaliyeed ee Kenya jooga ay xaaladooda wanaagsan tahay aynha jiraan xitaa wasiirro iyo diblumaasiyiin Soomaali ah oo wadankani Kenya ku sugan.

Waxaana uu xildhibaanku uu carabka ku adkeeyay hogaamiyeyaasha Soomaalida ee dalkani Kenya ay ka dambeeyaan dowladooda Kenya iyada oo aysan jirin cid ama wadan kale oo isagu sheegan kara in uu leeyahay qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here