Booliska degaanka Rachuonyo East ayaa soo xiray macallin dugsiga sare dhigayey kaasi oo sida la sheegay dhibaato kufsi ah iyo jirdil u geystay haweenay meel baar ah ganacsi ku heysatay.

Ninkan la soo eedeeyay ayaa ah macallin ka tirsan dugsiga Ongoro Secondary School, booliska ayaa ninkan ku soo xiray saldhiga Oyugis Police Station.

Booliska ayaa sheegay in ay muddo badan baadigoobayeen macallinka lagu magacaabo Basil Kaunda.

Haweenta ayaa iyadu la arkay iyada oo dhiig dhex jiifta meel ku dhow xarunta ganacsiga ee Ramba trading centre.
Waxaa sidoo kale jirkeeda lagu arkay dhaawacyo kala gedisan.

Markhaatiyada ayaa sheegaya in ninka macallinka ah iyo haweenayda ay goor dambe oo habeenkii ah ay meesha baarka ah iska raaceen iyaga oo qaatay mooto kadibna haweenta meydkeeda subixii lagu arkay guriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here