Safiirka safaaradda Ingiriiska ee Nairobi ambassador Nic Hailey ayaa sheegay in la adkeyn karo la dagaalanka musuq-maasuqa ee dalka Kenya.

Waxa uu ka dhawaajiyey in laga takhalusi karo musuqa haddii ay midoobaan hey’adaha garsoorka dalka iyo waaxyaha halbowlaha u ah dowladda qaran.

Isaga oo ka hadlayey xafladii dhalashada boqoradda ee ‘Queen’s birthday’ ayaa waxa uu safiirku ku booriyey booliska iyo dhamman saraakiisha dacwad soo oogista iyo garsoorayaasha dalka in ay muujiyaan isku xirnaansho shaqo si loo xukumo kuwa cadeymaha lagu helo.

Danjire Nic Hailey ayaa sheegay in dembi baareyaal ka socda wadanka Ingiriiska ay ka howlgeli doonaan gudaha Kenya si dabagal loogu sameeyo loona cirib-tiro musuq-maasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here