Sharci-dejiyeyaasha iyo senatarada ayaa kala qeybsanaantooda meel iska dhigay isla markaasina u soo jeestay lacagaha gunooyinka ah ee dhowaan laga jaray.

Lacagta guno ahaanta loo siin jirey xildhibaannada iyo senatarada ayaa ah 250 kun waxaana dhowaan ka jaray guddiga musharaharaadka iyo Gunooyinka ee magacooda loo soo gaabiyo SRC, guddiga ayaa sheegay in lacagtaasi aysan dastuurka waafaqsaneyn.

Tani ayaa timid kadib markii xildhibaanno tiradoodu dhan tahay 416 xubnood oo ka kala socda labada aqal ay qaateen kulan 2 socday saacadood iyaga oo isku raacay in ay u doodaan lacagtaasi oo aan laga goosanin.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa la faray guddiga howlgallada baarlamaaniga in ay soo kireystaan looyerro u dooda si lacagtaasi dib loogu soo celiyo xubanaha labada gole.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here