Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa ka degaysa jagada gudoomiyenimo ee ay ka heysay xisbiga Conservative-ka maanta oo Jimce ah.

May ayaa qabatay heysay xafiiska tan iyo sanadkii 2016 iyada oo ku heshay sababo la xiriir si ay ula timaado qorshe uu Ingiriiska uga baxayo Midowga Yurub.

Hase yeeshee baajinta ka bixitaanka Yurub ayaa keentay in dhibaato lagala kulmo ka bixitaanka midowga Yurub, walow ay goor dambe ka degtay xilka iyada oo qiratay in dadka ka soo horjeeda ay jebiyeen.

R’iisul wasaarenimada Ingiriiska ayaa haatan waxa isu soo taagay siyaasiyiin aad u badan oo ku jira baarlamaanka dalkaasi.

Qaar ayaa siyaasiyiintani doonaya in ay qaab heshiis ah ku baxaan halka kuwo kale oo baarlamaanka Ingiriiska ka tirsani ay ka soo horjeedaan oo ay doonayaan in heshiis iyo heshiis darriba ay ka go’ayaan wadanka Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here