Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa ka qeybgalaya kulan ka dhacaya wadanka Kanada.

Shirkani oo lagu magacaabo ‘Women Deliver’ ayaa madaxweynuhu khudbad ka jeediyey khudbadaasi oo diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta oo ay ka mid yihiin waxbarashada, ka hortagga rabshadaha ku saleysan jinsiga, Xuquudda bani’aadamka, iyo xayiraadda lagu soo rogay isticmaalka bacaha balaastigga ah ee waxyeellada u geysta sixada degaanka.

Shirka oo lagu casuumay haween ka socda qaaradda Afrika waxaana ka mid aheyd Natasha Mwasa oo 18 jir ah kana soo jeeda wadanka Zambia, Natasha ayaa iyadu ah gabar u dooda xuquuqda carruurta iyo haweenka. Gabadhaasi oo shirka lagu casuumay ayaa ku canaanatay madaxda caalamka in siyaasadaha bulshada wax ka bedelaan.

Shirka ‘Women Deliver 2019’ waxaa goob joog ka ahaa ra’iisul wasaaraha Kanada Justin Tradeau.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here