In ka badan 200 oo guri ayaa diyaar noqon doona iyadoo ay degi doonaan shacabka danyarta ah ee loo diyaariyey guryahaasi 4-ta bilood ee soo socota iyaga oo la sii marayo barnaamijka guryo la awoodi karo iska bixinta kiradooda, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeen Cyrus Oguna.

Dowladda Qaran ayaa diiradda saareysa in ay dhammeystirto isla markaasina ku mashquulsan haatan diyaarinta iyo qoondeynta guryahani oo tiradooda guud ay dhan tahay 228 ugu dambeyn bisha Sebteember.

Guryaha ayaa qeyb ka ah wejiga koowaad oo lagu dhisay ilaa 1,370 phase kuwaasi weli qaarkood dhismahoodu ka soconayo agagaarka wadada Park Road ee caasimadda Nairobi.

Col. Oguna ayaa in barnaamijyo sidaan oo kale ah ay degmooyinka Shauri Moyo iyo degmada Starehe oo laga dhisayo (8,500 guri ) iyo isku raranta Kibra B oo la dhisayo (4,400 oo guri) kuwaasi oo afhayeenku sheegay in mashaariicdani deg deg u bilaaban doonaan. Afhayeenka ayaa sidoo kale sharaxay qiimaha guryahaasi lagu kireysan doono isaga oo muujiyey in ay qaarba qiimo u gaar ah loo sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here