Ardey ka mid ah ardeyda jaamacadda Nairobi ayaa la soo dacweeyay maalinimadii shalay sababo la xiriira in uu u hanjabay mas’uulka haweenka ee laga soo doorto degaanka Busia Florence Mutua.

Alex Anyolo Kikuyu oo ah ardey 30 jir ah oo dhiganayey darajada masterka ayaa isagu beeniyey in uu fariismo u diray masuulka haweenka Florence Mutua bishii May 27-keedii isaga oo marba mid isticmaalayey 3 taleefan.

Fariimaha ayaa la sheegay in ay uga digayeen xildhibaanad Mutua in aysan isku dayin in ay keligeed iyadoo ah aysan wadada marin haddii kale dad calooshood u shaqeysteyaal ah ay iyada dili doonaan.

Ardeyga ayaa maxkamadda horteeda ku dooday in cadeynta la keenay maxkamadda aysanku jirin wax hanjabaad ah, waxaana uu codsaday in laga sii daayo xabsiga uu ku jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here