Booliska dalka ayaa baaraya warbixinno laga helayo dhimasho loo geystay ardey dhiganayey fasalka labaad ee dugsiga sare kaasi oo la dilay meydkiisana la qariyey.

Maalinimadii Isniinta ayaa meydkaasi laga helay isaga oo yaalla musqusha iskuulka iyadoo labada gacmood ay ka xirxiran yihiin.

Baaritaannada hordhaca ah ayaa muujinaya in ardeygani lagu magacaabo Wycliff Okio oo jir 16 ahaa uu dhiganayey dugsiga sare ee Don Bosco ee ismaamulka Nyamira halkaasi oo lagu dilay.

Wiilka ayaa la weysanaa tan iyo bishii May 19-keedii waxaana meydkiisa oo qurmay soo helay nin ilaalo (Watchman) ahaa kaasi oo meel musqul ah ay uga soo ureen wax bakhti ah.

Wararka ayaa sheegaya in maalinkii la weynayey ardeyga in ay macallimiintu wadeen howlgal dhanka tartbiyeynta ah iyaga oo ciqaabayey ardeyda.

Aabaha dhalay canuga ayaa ku baroortay bartamaha iskuulka isaga oo yiri: “Tani waa been. Maamulka iskuulka waa in ay sharaxaan sababta uu u dhintay wiilkeyga. Wasaaradda waxbarashada iyo mida arrimaha gudaha waa in ay halkaan yimaadaan oo ay inoo sheegaan qofka diley wiilkeyga.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here