Waxaa maanta maxkamad la soo taagay 4 qof oo uu ka mid yahay Ibraahim Qaasin Bur-Saliid oo wax ka dhiga jaamacadda Nairobi.

Booliska ka hortaga argagixisada ayaa Khamiistii xabsiga u taxaabay Ibraahin iyo 3 qof oo u dhalatay dalkani Kenya kadib markii lagu tuhmay arrimo la xiriira argagixisada.

Ibrahim Kassim Farah (Bursalid), Mohamud Mohamed Bashir, Ali Abdi Mohamed iyo Hussein Hassan Muhammud ayaa laga soo qabtay agagaarka Muguga ee ismaamulka Kiambu.

Ibrahim Kassim (Bur-Saliid) ayaa isagu laga soo qabtay xaafadiisa oo ku taal degmada South C kadib markii ay u galeen booliska ka hortagga argagixisada ama loo yaqaan ATPU iyaga oo raacaya tilmaamo la siiyey.

$-tani qof ayaa ka soo hormuuqday garsooraha maxkamadda Milimani garsoore Peter Okoo.

Waxaa garsooruhu amray in xabsiga lagu hayo muddo 4 beri ah si fursad loogu siiyo baareyaasha ka socda Laanta la dagaalanka argagixisada in ay soo dhameystirto arrimaha loo heysto raggani.

Baareyaasha ayaa shaaca ka qaaday kal hore in 4-ta qof loo heysto faragelin salka ku heysa doorashooyinka guud ee ka soconaya gudaha wadanka Soomaaliya iyaga oo isku xirayey howlo ku saabsan doorashooyinka ismaamulka Jubaland. Weli lama shaacin cida ay wax u qabanqaabinayeen ee ka tirsan dhinacyada ku loolamaya siyaasadda Jubaland.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here