Dowladda qaran ayaa furtay 4 xarumood oo baasaboorada laga qaadan doono.

Xarumahan ayaa hoostaga laanta socdaalka dalka.

6 xarumood ayaa laga hirgeliyey wadanka dibadiisa iyada oo adeegyadaasi loogu talo galay in la siiyo qurbajoogta Kenyaanka ee ku nool dalka dibadiisa.

Marka loo eego agaasimaha guud ee laanta socdaalka dalka Mr Alex Muteshi, ayaa waxa uu sheegay in dowladdu ay 6-da xarumood ee dibadda ay 3 ka furtay qaaradda Yurub iyadoo hal xarunna laga furay caasimadda Mareykanka ee Washington. Hal xarunna magaalada Dubai, halka xarunta lixaad laga furay caasimadda Koonfur Afrika ee Johannesburg.

Gudaha wadankani Kenya, xarumaha cusub ee laga qaadanayo baasaboorka e-passpor-ka ayaa ku kala yaalla magaalooyinka Nakuru, Kisii, Eldoret iyo ismaamulka Embu.

Wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiangi ayaa sheegay in 4-ta xarumood la diyaariyey balse ay howlbilaabayaan asbuuca soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here