Wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska ayaa waxay dalxiisayaasha Shiinaha ee u dalxiis tago Mareykanka uga digtay safarkooda.

Dalka China ayaa waxaa ay cadaawad dhanka ganacsiga ah kala dhex taallaa wdanka Mareykanka iyaga oo labada wadan ay isweydaarsadeen dhaliilo dhanka canshuuraadka iyo taarif-yada ah.

Inkastoo labada dowladood ay dhaliilo is dhaafsadeen hadana weli lama oga arrimaha sida ay mustaqbalka noqon karaan.

Warqadda Digniinta ayaa lagu sheegay in dhowaanahan ay Mareykanka ka dhacaan dilal iyo dhibaatooyin oo ay ku jiraan si joogta ah uga dhaca afduubasho, dhac iyo burcadnimo.

Shiinaha ayaa digniinta uu siiyey muwaadiniintiisa ku sheegay in ay tahay aargoosasho la mid ah tan uu Mareykanku ku dhawaaqo kolka uu cunaqabateyn saarayo mid ka mid ah dalalka caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here