Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Nabadda iyo Amaanka ayaa maanta oo Khamiis ah xanibaad ku soo rogay dhammaan dhaqdhaqaaqyada uu qaaradda ka sameeyo maamulka millitariga ah ee wadanka Suudaan ilaa maamulkaasi uu xilka ku wareejinayo maamul shacab ah oo ku meel gaar ah.

Guddiga Midowga Afrika ayaa bartooda twitter-ka ku sharaxay sababta ay go’aankaasi u gaareen waxaana ay sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan.

Qoraalka guddiga amniga iyo xasilloonida ee Midowga Afrika ayaa lagu qeexay in sida keliya ee Suudaan uga bixi karto mashaakilka siyaasadeed ay tahay iyada oo xilka lagu wareejiyo xukun shacbi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here