Ardey dhiganeysay jaamacada Nairobi ayaa la soo xiray xilli ay qorsheynayeen in ay lacag ka qaataan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.

Ardeydani ayaa la soo xiray maalinimadii Arbacada waxaana la sheegay in ay fariimo dhanka taleefanka ah u direen qaar ka mid ah xildhibannada dalka.

Waxaa sidoo kale ay doonayeen in ay xildhibaannada ka qaataan lacago iyagoo dhanka taleefanka six oog ah ugu weydiistay.

Agaasimaha laanta dembi baarista ee (DCI-da) ayaa ku sheegay boggiisa Twitter-ka in ardey 30 jir ah isla markaasina dhigta darajada Master-ka in ay boolisku qabteen haatanna uu ku xiran yahay xarunta dhexe ee dembi baarista.

DCI-da ayaa sheegtay in xiritaanka uu yimid kadib markii xildhibaanka laga soo doorto degaanka Njoro MP mudane Charity Chepkwony uu cabashou gudbiyey booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here