Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa waqtiga u kordhiyey agaasimaha bankiga Dhexe ee dalka Mr, Patrick Njoroge.

Maamulaha bankiga ayaa heshiiskiisii shaqo waxa uu ugu egyahay bishan Juun 19 Juun snadkan 2019.

Patrick ayaa isagu la magacaabay sanadkii 2015-kii isaga oo bedelay Prof Njuguna Ndung’u.

Waxaana haatan dib u magacaabistiisa uu xilka sii heyn doonaa ilaa sanada 2023-ka.

Madaxweynaha dalka ayaa isagu awooda dib u magacaabista u maray qodobka dastuur qeybtiisa 13 farqadda (2) ee qeexaya howlaha dib u magacaabista agaasimaha bankiga dhexe ee dalka kaasi oo haatan dib loogu magacaaby Dr Njoroge iyo ku xigeenka agaasimaha bankiga Sheila M’Mbijjewe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here