Dowladda kowntiga Garissa ayaa sheegtay in abaaraha dalka ay ka sii dari doonaan waxaana maamulku ay tilmaameen in ay soo wajahan tahay abaar daran loona bahan yahay in la qaado tilaabooyin lagu caawinayo dadyowga gobolka.

Maamulka ayaa isha ku haya xaaladda iyadoo laga warqabo in ay guuldareysteen roobabkii la filayey lana doonayo haatan in si deg deg ah qorsheyaal loo dejiyo.

Isaga oo saxaafadda kula hadlayey magaalada Gaarisa maalinimadii Arbacada ayaa gaavanaha ismaamulka Gaarisa Cali Qorane waxa uu sheegay in roobabku ay ka de’een meelo koob kooban ayna haatan qalaleen meelahaasi.

Roobabka ayaa uu sheegay in ay ahaayeen kuwo xilli yar socday isla markaasina ay haatan faaruq yihiin boholihii loogu talo galay in ay buuxiyaan.

Abaarta ayaa laga cabsi qabaa in ay ka sii darto marka la gaaro bisha Oktoobar.

Gaavnaah ayaa sheegay in maamulkiisu uu qorsheeyay qoondooyin uu u sameeyay degaannada ismaamulka hoos taga tan iyo markii ay waaxda saadaasha hawada ku dhawaaqday in ay roobabku joogsanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here