Ardey ku nool ismaamulka West Pokot ayaa isdilay isaga oo cabey sun halka mid kale oo isaguna sun cabay loola cararay isbitaalka.

Labaduba waxa ay ahaayeen labo gabdhood oo 14 jirro ah waxaana ay dhiganayeen dugsiga hoose dhexe.

Sababta ay ardeyga hore uu isku diley ayaan la ogeyn, iyada oo ardeyga kalena la daweynayo weli.

2-da gabdhood ayaa cabey sunta lagula dagaalamo cayayaanka xilli ay ku sugnaayeen qeybta jiifka ee iskuulka.

Gabadha dhaawaca ah ayaa haatan lagu daweynayaa isbitaalka Moi Teaching Referral ee Eldoret.

Sarkaalka dembi baarista ee ismaamulka West Pokot Mr. Michael Mwenze ayaa sheegay in sunta ardeydaasi ay cabeen ay diyaar ku aheyd weel caag ah iyada oo qasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here