Madaxweynaha Mareykanka Donal J. Trump ayaa farogeliyey mashaakilka siyaasadeed ee ka taagan wadanka Ingiriiska.

Madaxweyne Trump ayaa khadka taleefanka kula xiriiray musharaxa u taagan in uu qabto ra’iisul wasaarenimada wadanka Ingiriirska Boris Johnson, ninkani oo ahaa nin si weyn u taageera ka bixinaannka Ingiriiska ee Yurub ayaa xiiseynaya in xilka ka bedelo marka ay baxdo ra’iisul wasaaraha xilka ka sii dageysa ee Theresa May.

Donald Trump ayaa isagu ku sugan boqortooyada Ingiriiska waxaana uu aad uga hadlay arrimaha siyaasadda dalkaasi Ingiriiska isaga oo amaan u jeediyey siyaasiyiinta ay ka mid yihiin wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dalka Ingiriiska Boris Johnson, kaasi oo la sheegay in uu ku baaqay in Ingiriisku isaga baxo Midowga Yurub haddii arrintaasi heshiis laga gaari lahaa iyo haddii aan laga gaari karin intaba.

Trump ayaa madaxda Ingiriiska ee mustaqbalka ugu baaqay in ay taageeraan xanibaadda Mareykanku ku soo rogay adeegyada shirkadda Huawei.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here