Degaannada dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta waxaa siweyn looga ciidayaa Maalinta koowaad ee Ciidul fidriga,iyada oo shalay deegaanadaas laga soomanaa,halka inta badan Gobolada Soomaaliya iyo Caalamka laga ciidayay.

Ismaamulka Galmudug ee Maanta lag ciidayo Maalinta Koowaad ayaa waxaa ka mid ah demooyinka, Dhuusamareeb, Guriceel, Cabudwaaq iyo tuulooyin kale,halkaas oo ay gacanta ku hayaan Maamulkii Gobolada Dhexe ee ahlusunna kuna biiray Maamulka Galmudug.

Hogaamiyaha xukuumada Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa Maanta Saalada Ciida kula tukaday Masjidka Madaxtooyadda Caasimadad Dhuusamareeb Dhamaan Madaxda sare ,Xildhibaanada, Saraakiisha Ciidamada, Shaqaalaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here