Booliska ismaamulka Samburu ayaa baaritaan ku bilaabay lacag hal milyan oo shillin ah oo uu watey nin darawal u ah simaamulkaasi.

Sabtidii ayaa la soo xiray Mr Samuel Lejisaat Supuko, oo 38 jir ah kaasi oo lacagtaasi ku dhex heystay gaari Toyota Fortuner ah waxaana la xiray xilli ay booliska ku baareen goob jidgooyo ah oo ku taalla inta u dhaxeysa isku xirta Isiolo iyo Moyale.

Waxaa lagu eedeeyay in uu wadey howl lacag kala gooshin ah.

Taliyaha booliska Samburu Karanja Muiruri ayaa sheegay in ninka laga shakisan yahay uu ku lug lahaa lacag kala gudbin taasi oo ah mid mamnuuc ah.