Dacwad soo oogaha qaranka Nuurdiin Xaaji ayaa guul ka gaari waayey kiiska musuqmaasuqa ee loo heystay garsoore ku xigeenka dalka Phjilomena Mwilu.

Dacwad Soo Oogaha ayaa wacad ku maray in uu kiiskaas ka dabategi doono isla markaasina uu racfaan ka qaadan doono sidii cadaaladda loo marsiin lahaa Philomena Mwilu.

Xaaji ayaa ku adkeysanaya in uu maxkamadda hordhigay dhammaan cadeymihii loo baahnaa waxaana uu ku eedeeyay garsoorayaasha maxakamadda in aysan hareer marayaan kiis cad oo hortooda yaalla.

Philomena Mwilu ayaa ah garsoore ku xigeenka dalka waxaana lagu heystaa dacwad ah in ay wax isdabamarisay ama ay laaluush qaadatay.