Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa iclaamiyey canshuuraad dheeraad ah oo lagu soo rogayo dhammaan badeecooyinka wadanka Mareykanka uga yimaada dalka Mexico, arrintan ayaa looga gol leeyahay si loo soo afjaro muhaajirnimada sharci darrada ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka ayaa Mr Trump waxa uu sheegay in wixii ka bilowda bisha June 10-keeda boqolkiiba 5 lagu soo rogi doono taasi oo intaa kadibna si tartiib tartiib ah kor loogu qaadi doono ilaa laga takhaluso muhaajiriinta sida sharcidarrada ah ku gala Mareykanka.”

Ilaalada xaduudka Mexico iyo Mareykanka ayaa la sheegay in ay howlo xad-dhaaf ah soo foodsaareen, walow dadka wax dhaliila ay sheegayaan in si arxan darro ah loola dhaqmayo dadka muhaajiriinta ah.

Jesus Seade oo ah diblumaasi u dhashay Waqooyiga Ameerika tayaa sheegay in taarifyada lagu soo rogay ay tahay musiibo Mexico u hoyatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here